Hirshabelle oo shaacisay xubnaha soo xulaya ergada labo kursi

Published: April 30, 2022

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa labo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

No photo description available.

Kuraastan oo tirsigoodu yahay #HOP141 iyo HOP#146 ayaa lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Kursiga HOP#141 waxaa hadda ku fadhiya Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Sidoo kale, HOP#146 waxaa ku ku fadhiya Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *