Howlgal hub lagu qabtay oo laga sameeyay Dhuusamareeb 

Published: May 1, 2022

Ciidamada amaanka iyo kuwa Booliska ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen Xaafadaha iyo waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in howlgalladan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Ciidanka ilaalada madaxtooyada Galmudug lagu qabaty hub sharci daro ah, waxyaabaha maanka dooriya iyo shaqsiyaadkii isticmaalayay.

Waxaa sidoo kale Saraakiishu ay sheegeen in tiro kale oo dad ah lagu qab qabtay howgallada, kuwaasi oo lagu tuhmayo falal amniga liddi ku ah oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ujeedka howlgalkani uu ahaa xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Magaalada islamarkaana looga hortagayo shaqsiyaadka ku howlan in ay wax u dhimaan jiritaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *