Sh. Shariif oo ku guuleystay kursigii Wasiirka Amniga

Published: May 1, 2022

Madaxweynihii hore ee DFS, ahna Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay inuu kamid noqdo Golaha baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo baxay kursiga Tirsigiisu yahay HOP146 kadib cod gacan taag ah oo loo qaaday.

Kursiga HOP146 uu ku guuleystay Shariif waxaa ku fadhiyey Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sheekh Shariif ayaa ahaa Hogaamiyihii Madasha Midowga Musharaxiinta, wuxuuna noqonaya musharaxii 2-aad ee madashaas katirsan oo noqda Xildhibaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *