Axmed Karaash “Puntland ma aha boombale dhabarka lagu qaato”

Published: May 2, 2022

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo Salaada Ciida Boqolaal qof kula dukaday Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu dhaqmo Dastuurka lagu heshiiyay ee Puntland, balse hadii la waayo aysan jiri doonin wax Cadaalad ah.

Axmed Karaash wuxuu sheegay in Sharciga uusan noqon mid sida la rabo laga yeelo, isla markaana qofkii doono iska qaato oo uu la aado meeshii uu doono.

”Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno ayuu yiri” Axmed Karaash.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafka dhanka awooda ah ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *