Ciimada ATMIS oo lagu weeray xero ay ku leeyihiin degaan katirsan Sh/dhexe

Published: May 3, 2022

Ururka Al Shabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Al Shabaabka ayaa dhowr jiho ka weeraray Xerada Ciidanka Midowga Afrika ku leeyihiin deegaankaasi.

Ceelbaraf waxay ku dhowdahay xadka kala qaybiya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xilligii Salaadda Subax ka dib ay maqleen qaraxyo waaweyn iyo rasaas xoog leh, oo ka dhaceysa aagga Xerada Ciidanka Militariga Burundi oo qayb ka ah Hawlgalka KMG ATMIS ee deegaankaasi.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkan ugu dambeeyay, ee saaka Shabaabku ku qaadeen xeradaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *