Dalal Muslimiin ah oo maanta bilaabaya dabaal-dega maalinta 1aad ee Ciiddul Fitriga

Published: May 3, 2022

Dalalka Hindia, Pakistan, Bangladesh iyo Iran ayaa Maanta oo talaada ah waxaa ay bilaabayaan dabaal-dega maalinta koowaad ee Ciiddul Fitriga.

Waxa ay dalalkaas shalay oo Axad aheyd dhammeystireen 30-ka bishii Ramadaan.

Dalalkaas ayaa saaka laga tukanaya salaada Ciidda oo kummanaan Muslimiin ah isugu tegayaan goobo fagaare ah.

Shalay oo Axad aheyd waxaa siweyn maalinta koowaad looga ciidday dalalka Islaamka ee kala ah Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudan, Soomaaliya, CIraq, Kuwait, Sacuudi Carabia, Yemen, Turkiga, Tuniisiya, Suuriya, Falastiin, Qadar, Lubnaan, Liibiya, Masar, iyo Mauritaniya  iyo dalalka qaaradda Yurub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *