QM “Tan iyo bishii Maarso ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya”

Published: May 3, 2022

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay oo lagu soo beegay maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3 May ayaa lagu sheegay in Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya ay weli wajahayaan halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh.

See the source image

“Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maarso ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa qoraalka la sii raaciyey “Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xiray iyagoo ku guda jira shaqadooda”

Qaramada Midoobay sidoo kale waxay tilmaamtay in Warbaahinta Soomaaliyeed oo qayb muhiim ah ka ah koboca dimuqraadiyadda dalka ay u baahan yihiin xorriyad aan lahayn handadaad iyo waxyeello kale midna si ay shaqadooda muhiimka ah u gutaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *