Madaxweyne Karaash oo ka takhalusey wasiiradii ugu cuslaa xukuumadda Puntland

Published: May 5, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa habeenkii xalay soo saarey wareegto uu xilka uga qaadey saddex kamid ah wasiiradii ugu cuslaa Xukuumadda Puntland, kuwaas oo kala ah, Wasiirka Maaaliyadda Xassan Shire Abgaal, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Wasiirkii Amniga Cabdisamad Gallan.

Saddexda Wasaaradood ayaa loo magacaabey , saddex wasiir oo kale, iyada oo Wasiirka Maaliyadda loo magacaabey Cabdirisaaq Mire Xassan oo ka soo jeeda gobolka Mudug, Waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabey Cabdiqani Bumbo oo horey u ahaan jirey Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, halka wasiirka Amniga loo magacaabey Axmed Ibraahim Cartan, ninkan waxaa dhalay Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari xilal wasiirna ka soo qabtey Puntland waa Xaaji Bakiin.

XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.

MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadoodo shaqo.

MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.

WUXUU XEERIYEY:

MAGACAABID

  1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland
  2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
  3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacababay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland

Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland
Write to Mohamud Osman

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *