Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Published: May 5, 2022
See the source image

AHUN Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal ayaa burcad hubeeysan waxa ay ku dileen Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa markii la dilayey waxa uu watay Gaari uu adeeg ku siday oo marayey wado ciriiri ah sidaasna ay Tuugada ku toogatay.

Goobta Marxuumka waxaa isla markiiba ka baxsaday Tuugadii dilka geysatay kahor intaysan Booliska soo gaarin.

Howlgal lagu baadi goobaya ragii dilka geystay ayaa booliska ka bilaabeen isla goobta iyagoo ku raad jooga dableeydii toogashada u geystay muwaadinka soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *