Soomaali markii ugu horreysay kamid noqotay ciidamada booliska Australia

Published: May 6, 2022

Dhallinyaro Soomaali ah ayaa markii ugu horreysay ku biiray booliska gobolka Victoria ee dalka Australia, waxayna ka mid ahaayeen cutubyo boolis ah oo tababar loogu soo xiray Magaalada Melbourne.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ku nool Australia Faarax Maxamuud Warsame ayaa sheegay in koox ka kala socotay dhaqamada kala duwan in la geeyay Dugsiga lagu tababaro Booliiska oo xiligaas ka socotay tababarka ciidankaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 2 qof ay ku biireen Ciidanka Booliiska halka qofka saddexaad uu gabagabo u yahay tababarka la siinayo si uu u maro shuruudaha hor yaalla.

Imtixaan adag ayaa la mariyaa Dhalinyarada kamid noqonaya Booliiska sida in aanay wax dambi ah gelin, canshuur lagu lahayn, dabaasha, orodka iyo awood ahaan in uu qofka u muuqdo waana tan keentay in imtixaankaas lagu kala reebo Dadka.

Xubinnimada Booliiska Australia ayaa loo maraa shuruudo adag, tababarka ciidankaas la siiyo waxaa wehliya imtixaan laga qaado kaas oo ku saleysan jir ahaan iyo xirfad ahaan si loo helo askari dhammeystiran sida uu sheegay sarkaal katirsan Booliiska.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *