Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo lagu dilay Beledweyne

Published: May 7, 2022

Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa xaley bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, dil ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi.

Marxuumka dilka lo geystay ayaa si weyn looga yaqaanay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Marxuumka ayaa ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda ee ka howlgala halkaasi, waxaana toogasho ku dishay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray kuwaas oo howlgallo ka sameeyey.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo baaritaanada xigay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *