Gudoomiyaha Aqalka sare oo la kulmay Taliyayaasha Ciidmada Xoogga dalka & Booliska

Published: May 7, 2022

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo Booliska.

Gudoomiyaha ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) kala hadlay arimaha amniga dalka.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa taliyeyaasha kula dardaarmay adkaynta sugidda Amniga Doorashada iyo midka guud ee Dalka.

Kulankan ayaa ku beegmaya iyadoo ay  Maalmo kadib lagu wado in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ay ka qabsoonto doorashada Madaxweynaha JFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *