Gudoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Imaaraadka

Published: May 7, 2022
May be an image of 3 people and indoor

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah safiirka dalka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiyaha ayaa safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

May be an image of 2 people, people standing and indoor

Guddoomiyaha Aadan Madoobe ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha saameynta ku leh Soomaaliya iyadoo hadda ay murashaxiin madaxweyne taageereyso taas oo ay Qatar kula xifaaltameyso.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *