Madaxweynaha Ukraine oo shuruud ku xiray wada hadalka Ruushka

Published: May 7, 2022
See the source image

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu yahay Madaxweynaha Ukraine, balse aanu ahayn Madaxweynaha Ukraine-ta uu kala qaybinayo Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa tilmaamay inay isaga soo doorteen dadweynaha Ukraine, hoggaamiyana uu u yahay dadka dalkiisa oo dhan.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ugu yeeray in ciidamadiisa ku celiyo halkii la kala joogay 23-kii bishii February, maalin ka hor intii aanu Ruuhku weerarin dalkaasi.

“Haddii la doonayo in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Moscow iyo Kiev ay tahay in xaaladda lagu soo celiyo, sidii ay ahayd 23-kii bishii February.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine

Madaxweyne Zelenskyy ayaan soo hadalqaadin Gobolka Cremia ee Ruushka uu qabsaday, horaantii 2014.

Ciidamada Ruushka oo go’doomin daran ku hayo Magaalada Dekedda leh ee Mariupol ayay caqabad ka haysataa inay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta magaaladaasi, haddii weli ay iska caabin kala kulmayaan Ciidamada Ukraine ee ka dhex dagaalama warshadda birta sameysa ee Azovstal, halkaas oo ay difaacyo kaga jiraan.

Ciidamada Ukraine iyo dad rayid ah ayaa ku jira warshadda Azovstal, ee ay Moscow weerarka xoogan ku hayso.

Militariga Ruushka ayaa juhdi badan ku bixinaya inay soo geba-gabeeyaan ciidamadaasi, si guul weyn oo istiraatiijadeed kaga gaaraan duulaanka Ruushka ee bishii 3aad socda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *