QM oo ka hadashay weerarkii Ceelbaraf

Published: May 7, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si adag u cambaareeyay weerarka 3-dii bishan ay maleeshiyada Al Shabaab kula wareegeen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ugu tacsiyadeeyeen qoysaska iyo ehelada askartii reer Burundi ee ku naf-waayay weerarkaasi, iyagoona caafimaad u rajeeyay kuwa kale ee ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in goluhu uu taageersan yahay dadaalka ay Dowladda Somaliya iyo Hawlgalka ATMIS isaga kaashanayaan ka hortagga halista Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Golaha ayaa bogaadiyay in la ilaaliyo guulaha illaa iyo hadda laga gaaray amniga Soomaaliya iyo in la xoojiyo taageerada la siinayo ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka iyo kuwa ATMIS.

Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in Dowlad Goboleedyada ay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khuseyso arrintani, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aanada Golaha Ammaanka ee khuseeya.

Si kastaba ha ahaatee weerarkii cag-marinta ee Xerada Ceelbaraf ayaa mar kale indhaha dunida ku soo jeediyay Somaliya iyo inuu caalamka garowshiyo ka bixiyo in laga gaabiyay dagaalkii lagula jiray Al Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *