Shuruudaha Musharraxiinta xilka Madaxweynaha JFS oo la shaaciyey

Published: May 7, 2022

Guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Madaxweynaha dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Musharaxiinta looga baahan yahay Warqada Codsiga xilka Musharaxnimo iyo mida aqoonsiga (ID ama Baasaboor).

Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ku jira Warqada soo jeedinta Musharaxa iyo Warqada caddeyneysa buuxinta shuruudaha Musharaxnimo, Warqada caddeynta lacag qabashada iyo tan aqbalaada iyo u hoggaansamida natiijada doorashada.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa soo bandhigay Foomka lagu buuxinayo ugu yaraan labaatan (20) Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah Sida ku cad Dastuurka KMG ah Murashax kastana ay ku tahay inuu helo kalsoonuda tirada xildhibaanadaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *