Xildhibaano Soomaali ah oo lagu doortay London

Published: May 7, 2022

Degmooyin ka tirsan magaalada London oo ay ka qabsoontay Doorashooyinkii dowladda hoose ayaa waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay xildhibaano golayaasha deegaanka ah.

Xildhibaanadan oo tiro ahaan dhan toban Soomaali ah ayaa ilaa hadda warbaahinta Britain ay shaaciyeen inay kusoo baxeen doorashooyinkaasi, kuwaasi oo uu sharxay xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Degmooyinka muhiimka ee looga guuleystay xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda.

Xisbiga mucaaradka shaqaalaha Labour Party ayaa sanadkaan guul muuqata ka gaaray xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo lumiyay kuraas iyo degmooyin weligood u xerna xisbiga Conservative-ka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *