Daahir Geelle oo noqday Musharaxii 2aad ee isdiiwaangeliya

Published: May 8, 2022

Musharrax Madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle ayaa noqday musharrixii labaad ee Maanta isdiiwaangeliya si ay ugu tartamo doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo dhici doonta 15 Bishaan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota.

Musharrax Daahir Geelle oo hadlay ayaa sheegay in ujeedka musharraxnimsdiisa ay tahay in uu soo afjaro isdsbayaalka dowlad Soomaaliyeed ee Maalinta 15 Bisha May oo ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in uu hiigsanayo 15 May inay dhalato dowlad Soomaaliyeed oo guuleysato,taas oo cid walba ay wax ku leedahay.

Musharrax Daahir Maxamuud Geelle ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday kulamo iyo ololo doorasho oo xoogan, iyada oo uu la kulmayay saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *