Gudoonka Golaha shacabka oo go’aan rasmi ah ka gaaray Xildhibaanada Gedo

Published: May 8, 2022

Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya oo go’aan rasmi ah kasoo saaray xildhibaanada muranka uu ka taagnaa ee gobolka Gedo.

Gudoonka ayaa shaaciyey in ay aqoonsadeen xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq inay yihiin kuwa sharciga ah.

Guddoonka ayaa sheegay inuu go’aankan saldhiga uga dhigay markii uu arkay in xildhibaanadda lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay Habraca Doornshadooda mariyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ce Heer Federaal islamaekaana ay doorshadooda qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Garbahaarey aanay heysan shahaadadii Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Guddoonka ayaa sidoo kale xusay go’aankii uu ku aqoonsaday Guddoomiyihii KMG ahaa Xildhibaan Amb. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad) Xildhibaanda lagu soo doortay Degmada Ceelwaag ee Gobolka Gedo,

“Xildhibaanadaas oo la dhaariyey, islamarkaana habraacooda loo dhamaystirey si waafaqsan go’aankii guddoomiyaha KMG ahaa Xildhibaan Amb. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad)” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Guddiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *