Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Muqdisho

Published: May 8, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Cabdi Maxamed Abdirahmaan xubno katirsan labada gole ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dadweyne kala duwan.

Ujeedka Madaxweyne Axmed Madoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu qeyb uga noqon lahaa dhammeystirka doorashada dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo maalmaha soo socda dhaceysa.

Sidoo kale, Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan dhammaan Madaxweyneyaasha maamulada dalka ee Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *