Ruushka oo weli duqayn xoogan ka geysanaya magaalooyinka Ukraine

Published: May 8, 2022
See the source image

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa weli sii wada duqaymaha ay ka gaysanayaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ukraine, iyadoona Sabtidii ay garaaceen Magaalada Dekedda leh ee Odessa.

Afhayeenka Taliska Militariga ee Koonfurta Ukraine, haweeneyda lagu magacaabo Natalia Humeniuk ayaa sheegtay in gantaalada qaybtood ay ku dhaceen warshad agabka guryaha sameysa oo ku taala meel ku dhow goob ay rayidku degan yihiin.

Natalia Humeniuk ayaa sheegtay inay uruurinayaan xogta khasaaraha ka dhashay duqayntaasi, dibna ay Warbaahinta kala soo wadaagi doonaan.

Odessa oo ku taala Badda Madow ayaa waxaa ku nool qiyaastii hal milyan oo qof, oo isugu jira bulsho kala qowmiyado ah.

Dhanka kale Militariga Ruushka ayaa sii wada duqaynta ay ku hayaan dhismaha warshadda birta ee Azovstal oo ku taala Magaalada Mariupol, waana xilli uu socdo dadaalo lagaga daad-gureynayo Ciidamada Ukraine iyo dadka rayidka ee gabaadka ka dhigtay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inay socdaan hawlgalo lagu soo samata-bixinayo rayidka iyo askartaba.

“Waxaan sii wadi doonnaa hawlgalada daad-gureynta ee Mariupol, iyadoo ay arrintaasi garwadeen ka yihiin Qaramada Midoobey iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray in dadka la doonayo in la soo daad-gureeyo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Saraakiisha Ukraine ayaa filaya in Ruushka uu ballaariyo weerarada uu ka gaysanayo magaalooyinka dalkaasi, ka hor 9-ka bishan May.

Ruushka ayaa isku diyaarinaya inuu Isniinta u dabaaldeggo guushii Midowgii Soofiyeet ay ka gaareen Naaziyiintii Jarmalka, xilligii dagaalka 2aad ee adduunka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *