Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo noqdey musharixii ugu horreeyey ee is-diiwaangeliyey

Published: May 8, 2022

Maanta oo Axad ah waxaa bilowdey is-diiwaangelinta Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Sh. Axmed Sh.Maxamuud ayaa noqdey Musharixii ugu horeeyey ee buuxiyey shuruudaha Musharaxnimo isla markaana qaatey shahaadada Musharaxnimada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa horey u soo noqdey madaxweynaha Soomaaliya ee Dowladdii Kumeel-gaarka, waxaana uu xilka hayey muddo ka yar afar sano.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ah Musharixiinta safka hore ee rajada fiican ka leh in ay dalka hoggaamiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *