Madaxweynaha Suuriya oo la kulmay Hogaamiyaha Sare ee Iran

Published: May 9, 2022
See the source image

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa maanta oo Axad ah booqday dalka Iran si uu wadahadal ula soo yeesho hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollaha Ali Khamenei.

See the source image

Labada hogaamiye ayaa intii wadahadalka lagu jiray ku baaqay in iskaashi adag oo ay yeeshaan Tehran iyo Damascus, sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Iran.

Madaxweyne Assad oo booqashadii labaad ku tagaya Iran ilaa markii dagaalku dalkiisa ka bilowday sanadkii 2011kii, ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA.

Assad ayaa awood u helay inuu horjoogsado dagaalki sokeeyey ee dalkiisa ka bilowday markii ay dhaceen dibadbaxyo ay dadku dimoqraadiyad ku doonayeen sanadkii 2011kii, isaga oo kaalmo ka helay ururada gacan-saarka la leh Iran iyo faragin militari oo weyn oo Ruushka ka timid sanadkii 2015kii.

Telefishanka Iran ayaa madaxweyne Assad ka soo xigtay isaga oo leh “xiriirka istaraatiijiga ah ee Iran iyo Suuriya waxa uu horjoogsaday awooddii taliska Sahyuunidda [Israel] ee gobolka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *