Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey Musharaxnimadiisa

Published: May 9, 2022

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, taas oo uu uga hadlay xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dhammeystirka doorashooyinka, gaar ahaan mid ah madaxweynaha oo dhawaan dhaceysa.

“Waa nasiib wanaag in maalinta Doorashada Madaxweynaha JFS lagu asteeyey Maalinta Xuska Halgameyaashii SYL, taas oo direysa farriin cad oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dib u dhiska dowladnimada iyo soo celinta heybaddooda Qaran” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu markale u taagan yahay xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Haddaba anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan usii socodsiinno isbeddelka ka socda dalka ee miro-dhalay” ayuu sii raaciyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka inay codkooda siiyaan, si uu markale ugu guuleysto xilka, isaga oo ballan qaaday inuu sii wadi doono isbedalka soo billowday 2017-kii.

Doorashada guud ee madaxweynaha ayaa loo ballansan yahay in la qabto 15-ka bishaan aynu ku jirno ee May, iyada oo maanta si rasmi ah loo bilaabay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee tartamaya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *