Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Aadan Madoobe & Madaxweynaha Jubbaland?

Published: May 9, 2022
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

May be an image of 1 person, beard, sitting and indoor

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay arrimo la xiriira shaqada guddoonka Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa Gudoomiyaha uga mahadceliyey go’aanka uu ka gaaray xildhibaanada Gedo, gaar ahaan meel marinta xubnihii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

May be an image of 1 person and sitting

Dhankiisa Guddoomiyaha ayaa booqashadan u mahad-naqay madaxweynaha, waxayna isla meel dhigeen in laga shaqeeyo horumarka dalka iyo danaha guud ee dadka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qayb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho oo laga dareemayo u diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha, taas oo loolan adag loo geli doono.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *