Maxay Xildhibaanadii Garbahaarey ka dhaheen go’aankii Guddoonka Golaha Shacabka?

Published: May 9, 2022

Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Garbahaarey ayaa ka horyimid go’aanka uu Guddoonka Golaha Shacabka sharciyadda ugu aqoonsaday Xildhibaanadii lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed (Gareed) oo ka mid ah Xildhibaanadii lagu soo doortay Garbahaarey ayaa sheegay inaysan go’aankaasi u hoggaansami doonin, sababo ku aaddan iyagoo u arka mid aan sharci ahayn.

Gudoomiyaha oo BBC la hadlay ayaa yiri “Waxaan isku haynay sharci bay ahayd qoladii Ceelqaalow lagu soo doortay ee xuduudda dalka Kenya iyo anaga, oo ah dadkii Garbahaarey ka soo baxay. Nidaamka in inta guddi loo saaro, sharciyadda la fiiriyo, ciddii sharci ku fadhidana la fiiriyo, lana qiimeeyo ayay ahayd. Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa jiray in loo gudbiyo bay ahayd, guddiyo kale oo Baarlamaanka ayaa loo qaban karay, intaba wax waafaqsan maaha, go’aan degdeg ah ayaad mooddaa in Gudoomiyaha Golaha Shacabka qaatay, taasina waxaan leenahay arrin anaga sharci noo ah ma’ahan.”

Axmed Buulle Gareed ayaa yiri “Anaga waxaan ku taaganahay labo, midna waa heshiis oo Soomaali ku heshiisay 17-kii September, 2020, midna waa habraac weeye. Anagu nidaamkii intaba waan marnay.

1, waxaan nahay deegaan doorashadii labaad ee Jubbaland.

2, waxaan u yeernay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo 25 ah, 13 baa noo timid oo doorashadii qabatay.”

Sidoo kale Waxa uu intaasi ku daray “Aadan Madoobe waxaan leenahay inuu sharciga u fiiriyo, guddi in loo saaro arrintan, arrintaana arrin sahlan maaha, waa qadiyad waxa la isku hayo.”

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa qoraal ku sheegay in go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa Xildhibaanadii lagu soo doortay Gobolka Gedo, waxayna guddoonku caddeeyeen in 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq ay yihiin Xildhibaanada sharciga ah ee meteli doono gobolkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *