Diiwaangelinta Musharaxiinta Madaxweynaha JFS oo maanta la soo gabagabeynayo

Published: May 10, 2022
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor

Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha ayaa maanta oo Isniin ah soo gebagabeynaya diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo shaqada soo bilaabay 8-dii Bishaan ayaa diiwaangeliyay ilaa 32 Musharrax, waxaana maanta la filayaa in la diiwaangeliyo Musharrixiin ugu dambeysay ee doonaya inay ku tartamaan xilka Madaxweynaha JFS.

No photo description available.

Khudbadaha ay musharrixiinta u jeedin doonaan Xildhibaannada labada Aqal ayaa lagu wadaa in maalinta Berri oo Arbaco ah ka bilaabato xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Maalinta Axada ah ee soo socota oo ku beegan 15-ka Bishaan ayaa qorshuhu yahay in la qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona musharrixiin kor u dhaafaya Dhowr iyo sodon.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *