Diiwaangelinta Musharaxiinta oo la soo gaba-gabeeyey & hadal jeedinta oo berri bilaabaneysa

Published: May 10, 2022

Diiwaangelinta musharaxiinta Madaxweynaha JFS ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, kadib saddex maalin oo xiriir ah oo ay socotay, waxaana shahaadada musharaxnimada qaatay 39 musharax.

Diiwaangelinta musharaxiinta oo 8-dii bishaan ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu is-diiwaan-geliyey isu jiraan Madaxweynaha hadda talada dalka haya, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul wasaare hore iyo siyaasiin kala duwan.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa sidoo kale maanta musharaxiinta ka dalbaday inay u soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mid ah barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul Electronic ah.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah u billaabato hadal jeedinta musharrixiinta, waxaana ugu dambayn 15-ka May la qaban doonaa doorashada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *