Gudoomiyaha Golaha shacabka oo kormeeray teendhada Afisyooni

Published: May 10, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah  ku tagay teendhada Afasiyooni  oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

Doorashada Madaxweynaha ayaa loo ballansan yahay 15-ka bishaan in lagu qabto Teendhada Afisyooni, iyadoo Guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *