Xuska 15-ka May oo lasoo hormariyay doorashada awgeed

Published: May 10, 2022
May be an image of 2 people and people standing

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa lagu qabtay xafladda xuska 15-ka May oo sanad kasta loo dabaal dego asaaskii ururkii SYL ee xornimo doonka.

Xuskan ayaa la qabtay 9-ka May, maadaamaa maalinta 15-ka ah ay ku beegantahay maalinta loo asteeyay doorashada madaxweynenimada ee Soomaaliya.

May be an image of 8 people and people standing

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta degmada Xamar Jajab uga qayb galay munaasabad lagu maamuusayay aas-aaskii ururkii Gobonima doonka Soomaaliyeed ee 13-SYL oo ku beegan 15-ka May.

Munaasabadan oo ay ka qeyb galeen maamulada Degmooyinka qeybta Waliyoo Cade iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumeysay qiimaha ay leedahay Wadaniyada halgankii ururka SYL oo ka koobnaa 13 Dhallinyaro Soomaaliyeed.

May be an image of 1 person

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xusay qiimaha ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin Xuriyada iyo Qaranimada Soomaaliya, isagoo dhanka kale ugu baaqay dhallinyarada maanta joogta in ay qaataan kaalintooda ku aadan Sugida Amniga, dib udhiska Dalka iyo sidii wadanka looga xureen lahaa Argagixisada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *