Boqolaal Maxaabiis ah oo ka baxsaday Xabsi ku yaal dalka Ecuador

Published: May 11, 2022

Booliiska wadanka Ecuador ayaa sheegay in 200 maxbuus dib loo soo qabtay kadib dagaal ka dhacay xabsiga magaalada Santo Domingo de los Colorados oo 80km u jirta caasimada dalkaasi.

Dagaalkan oo bilowday Isniintii ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay labo kooxood oo ka tirsan maxaabiista iyadoo dagaalkan ay ku dhinteen 44 qof, waxaana xabsiga ka baxsaday in ka badan 220 maxaabiis ah.

Booliiska ayaa sheegay inay shalay oo Salaasa ahayd dib usoo qabteen 200 kamid ah maxaabiistii baxsaday, halka qaar kale weli la baadi goobayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *