Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha ee Maalinta koowaad oo soo gabagaboowday

Published: May 11, 2022

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa goordhaw ku soo gabagaboobay hadal jeedinta maalinta koowaad ee Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas khudbadahooda ka hor jeediyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka.

20 kamid ah 39-ka Musharax ee isku diiwaan galiyay tartanka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta jeediyey khudbado ku saabsan waxyaabaha u qorsheysan haddii la doorto, halka19 kalena la qorsheeyey inay khudbadaha jeediyaan maalinta Khamiista oo berri ah.

Munaasabada hadal jeedinta 20-ka Musharax ee Maanta waxaa goob joog ahaa labada guddoon ee Golaha Shacabka, Golaha Aqalka sare iyo ku xigeenadooda iyo qaar ka mid ah mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo Maanta daahfuray Munaasabada, islamarkaana goordhaw soo xiray ayaa sheegay in si wanaagsan ay ugu soo gabagabowday munaasabada hadal jeedinta 20-ka Musharax, isagoona sheegay in berito la dhageysan doono hadal jeedinta 19 Musharax oo ay ka mid yihiin Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Gabagabadii Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha 10aad ee dalka ayaa ka codsaday Xildhibaannada labada Aqal in ay ka soo qeyb galaan hadal jeedinta Musharaxiinta ee loo madal sanyahay maalinta berito oo ah maalinta u dambeysa ee hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha dalka.

Doorashada madaxweynaha  ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15- ka bishaan May oo ku beegan maalin Axada ah, waxaana ka dhiman sadax maalmood oo kaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *