Marwada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo geeriyootay iyo Madax ka tacsiyeysay

Published: May 11, 2022

Allah ha u naxariistee waxaa dalka Imaaraadka ku geeriyootay Marxuumad Xaawo Cali Samtar oo aheyd marwaadii madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHUN Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan Qoyskii iyo Umadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwada Madaxweynihii hore ee dalka marxuum Cabdullaahi Yuusuf.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ay ku jiraan, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Ra’iisul wasaarayaal hore ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Xaawo Cali Samtar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *