Musharaxiinta Madaxweynaha oo maanta khudbado ka hor jeedinaya Xildhibaanada labada Aqal

Published: May 11, 2022

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha JFS ayaa maanta lagu wadaa inay goor dhow ka bilaabato Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

19 kamid ah musharrixiinta Madaxweynaha ayaa maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo khudbadahooda musharraxnimo ka hor jeedin doona, iyaga oo uu soo bandhigi doono musharrax kasta waxyaabaha uu qaban doono hadii uu guuleysto.

Ammaanka Teendhada Afisiyooni ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray dhamaan waddooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa, iyada oo sidoo kale Ammaanka Guud ee Xerada Afisiyoobi ay la wareegeen Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Maalinta Berito ah ayaa la soo geba-gabeyn doonaa dhageysiga khudbaha musharrixiinta oo gaaraya 39 Musharrax.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *