Qarax sababay khasaare kala duwan oo ka dhacay Muqdisho

Published: May 11, 2022

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada Muqdisho ka mid ah ayaa ka dhacay agagaarka KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka.

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku xiray walxaha qarxa ayaa beegsaday gawaari lagu baarayey koontarool ku yaalla halkaasi.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu Qaraxu sababay inkastoo aan weli rasmi loo shaaciyey.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, iyagoo baaritaano ka wada.

Weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa kusoo aadaya, xilli Muqdisho laga dareemayo diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha oo 15 bishan ka dhaceysa Afisyoone.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *