Finland oo ku biireysa NATO

Published: May 12, 2022
Mediat: Presidentti Sauli Niinistö ja pääministeri Sanna Marin julkistavat  Nato-kantansa huomenna kello 10 | Uutissuomalainen | Länsi-Uusimaa

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Finland ayaa maanta sheegay inay doorbidayaan inay ku biiraan xulufada NATO, islamarkaana go’aan rasmi ah la qaadan doono dhammaadka toddobaadkan kadib markii duulaanka Ruushka ee Ukraine uu beddelay aragtidoodii hore.

Kremlin-ka ayaa si deg deg ah ugu jawaabay in ka mid noqoashada Finland ee xulufada militari ee Reer Galbeedka ay halis ku tahay Ruushka.

Dalka deriska ah ee Sweden, oo si la mid ah Finland tobanaan sano aan ka tirsaneyn xulufo militari, ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu go’aankiisa ku dhowaaqo maalmaha soo socda marka ay kulmaan xubnaha xisbiga ra’iisul wasaare Magdalena Andersson ee talada haya.

Labada dal ayaa si aad ah loo rumeysan yahay inay si wadajir ah u gudbin doonaan codsigooda ku biiritaanka NATO.

“Finland waa inay codsataa xubinnimada NATO ayada oo aan dib loo dhigin,” ayey war-saxaafadeed wadajir ah ku yiraahdeen Madaxweyne Sauli Niinisto iyo Ra’iisul wasaare Sanna Marin.

“Xubinnimada NATO waxay xoojin doontaa ammaanka Finland, ayada oo xubin ka ah NATO, Finland waxay xoojin doontaa difaaca xulufada,” ayey ku yiraahdeen bayaanka.

Guddi gaar ah ayaa Axadda ku dhowaaqi doona doonista Helsinki ee ka mid noqoshada isbaheysiga.

Moscow ayaa marar badan uga digtay Stockholm iyo Helsinki inay wajihi doonaan cawaaqib haddii ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *