Hadal-jeedinta musharixiinta Madaxweynaha oo maanta la soo gabagabeynayo

Published: May 12, 2022
Shares2

Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka qabsoomeysa hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo lagu wado in gelinka dambe ee maanta lagu soo gabagabeeyo halkaasi.

19 Musharax ayaa khudbadahooda kahor jeedinaya Xildhibaanada labada Aqal, iyagoo uga hadlaya sooyaalkooda, waxyaabaha lagu dooranayo iyo balanqaadyadooda.

Musharaxiinta Maanta hadalka jeedinaya waxaa ku jira Madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxeyneyaashii hore ee dalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo ah Musharax Madaxweyne iyo Musharaxiin kale.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socoto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *