Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Taliyaha Ciidamada AFRICOM

Published: May 12, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa manta Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend, si wada-tashi looga sameeyo horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika.

Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidamada Mareykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Mareykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa uga mahadceliyey wafdiga safarka ay ku yimaadeen Hargeysa, waxaanu u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee Somaliland iyo Mareykanka.

Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xusay In booqashada Jeneral Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka

Wafdiga ka socday Taliska AFRICOM ayaa booqasho ku tegay Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaariiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *