Wafdi ka socda Mareykanka oo gaaray Hargeysa

Published: May 12, 2022

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Maraykanka ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaaliland.

Wafdigan ayaa kasoo kicitimay dhanka dalka Jabuuti, waxayna isugu jiraan diblomaasiyihiin iyo saraakiil ka socota Wasaaradda gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka.

Saacadaha soo socda ayaa Wafdiga ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka waxaa la filayaa inay la kulmaan Mas’uuliyiinta Sare ee Somaliland, iyaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wafdiga ay booqan doonaan Dekadda magaalada Berbera oo ay gacanta ku heeyso Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka imaaraadka, sidoo kale uu kuyaallo saldhigga Ciidanka Imaaraadka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *