Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday deegaanka Biyo Cadde

Published: May 12, 2022

Khasaaraha kala duwan ayaa ka dhashay weerar xoogan oo loo adeegsaday hoobiyeyaal oo lagu qaaday deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Warar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Madaafiicda qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay laba qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen laba kale, waxayna dhammaantood ahaayeen dad isku qoys ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana baaritaano kooban sameeyey ciidamada huwanta ee ka howlgala halkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *