Maxay Guddoonka Baarlamaanka kala hadleen Sharaakiisha Booliska & ATMIS?

Published: May 14, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalinta Beri oo axad ah lagu wado in teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha JFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *