Waa sidee xaaladda Dhuusamareeb kadib dagaalkii shalay?

Published: May 14, 2022

Xaaladda guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saaka degan, kadib shalay dagaal saacado socday uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askarta dagaalantay, waxaana dhaawacyadooda lagu talacaalayaa Isbitaalada Magaalada.

Qaar kamid ah Dadkii ku barakacay dagaalka ayaa saaka dib ugu soo laabanaya guryahooda, maadaama xaaladda Dhuusamareeb ay tahay mid degan.

Ciidamada Ahlusunna ayaa hadda sugan deegaan lagu magacaabo Sangooy oo u dhow Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kalana u dhow deegaanka Bohol oo ah halkii ay horey ugu sugnaayeen Ciidamada Ahlusunna, tan iyo markii laga saaray Magaalada Guriceel.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *