Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

Published: May 15, 2022

Maanta oo Axad ah taariikhduna ku beegan tahay tahay 15-ka bisha May, 2022 waxaa loo asteeyay inay dalka ka qabsoomto Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

In ka badan soddon musharax ayaa ku loolamaya doorashadan oo ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, waana doorasho ay wax dooranayaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Musharaxiinta xilka madaxtinimada ee dalka ayaa illaa goor dambe oo xalay ahayd waxa ay ololahooda doorashada ka wadeen guryaha ay ka degan yihiin magaalada iyo weliba hoteelada ay degan yihiin Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka.

Musharaxiinta ayaa mid kasta waxa uu dadaal badan ku bixiyay, sidii uu ku heli lahaa codka aqlabiyadda ee Xildhibaanada, si uu dalka u hoggaamiyo afarta sano ee soo socota.

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa adkeeyay ammaanka goobta doorashada iyo weliba midka guud ee magaalada.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Sabtidii sheegay in magaalada lagu soo rogay bandow socon doono illaa 6:00am subaxnimo ee maalinta Isniinta, si ay si naddoon ugu dhacdo Doorashada Madaxweynaha xigga ee Dowladda Federaalka.

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee Soomaalida ayaa laga hadalhayaa doorashada loogu tartamayo Xafiiska Madaxtooyada ee maanta ka dhaceysa Afisyooni.

Doorashadan ayaa noqonayso tii 3aad oo xiriir ah oo dalka lagu qabto, tan iyo intii doorashooyinka Somaliya loo soo wareejiyay in dalka gudahiisa lagu qabto, muddo toban sano laga jooggo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *