Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo maanta hakad la geliyay

Published: May 15, 2022
See the source image

Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa shaaciyay in Maanta hakad la geliyay dhammaan duulimaayada diyaaradaha ee gudaha iyo dibadda ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde illaa maalinta Isniinta 16-ka bishaan May.

Maareeye Cabdinaasir oowarbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sababta duulimaayada Garoonka Muqdisho loo hakiyay ay tahay mid la xiriirta doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Maareeye Cabdinaasir Maxamuud ayaa sheegay in dib loo furi doono duulimaadyada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde maalinta Isniinta ee berri ah, isla markaana howlaha ka socday Garoonka ay ku soo laaban doonaan si caadi ah.

Gebi ahaan waxaa la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Caasimadda, waxaana waddooyinka lagu arkayaa oo kaliya Ciidanka Booliska dowladda, iyadoona meelaha qaarkood dadka loo diidayo inay lug ku maraan oo laga celinayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *