Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo baaq ka soo saaray doorashada maanta dhaceysa

Published: May 15, 2022

Guddiga Labada Gole BFS u qaabilsan Doorashada Madaxweynaha JFS ayaa Xildhibaannada, Senatarada, martida iyo dhammaan dhinacyada fasaxa u heysta in Doorashada ugu baaqay inay xilli hore tagaan Teendhada Afisiyooni.

Guddigu ayaa sheegay in waqtiga loo qorsheeyay Doorashadu ay billaabaneyso 10:00 AM oo Barqonimo ee maanta.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo xubin ka ah Guddiga Isku dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha Federaalka ayaa adkeeyay in la dhaqangeliyo qodobada Amni ee lagu xakameynayo Doorashadaas.

Guddigu ku adeeyay in Martida kale ee lagu casuumay in ay goobjoog ka ahaato Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda ay ilaaliso xilliga ku xusan jadwalka la siiyay, waxa uu amaanay doorka amni sugidda ah ee Ciidanka DFS & Kuwa ATMIS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *