Waqtiga ay bilaabaneyso codeynta doorashada Madaxweynaha oo la shaaciyey

Published: May 15, 2022

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya Sanatar Cabdiqani Geelle ayaa sheegay waqtiga rasmiga ah ee ay bilaabaneyso codeyntu.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qorshaha waqtiga ay bilaabaneyso codbixintu ahaa 11 barqanimo ee maanta balse dib u dhac ku yimid.

Guddoomiye Cabdiqani ayaa goobta doorashada ka sheegay codeyntu bilaaban doonto 2 da duhurnimo.

Wali waxaa ka maqan hoolka doorahsada qaar ka mid ah xildhibanaada iyo musharixiinta.

Sidoo kale waxaa hadda loo dareeray salaad iyo in la soo qadeeyo kadibna laysku soo laaban doono.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *