Wareega 1aad ee doorashada Madaxweynaha oo soo idlaatay & natiijada oo la shaaciyey

Published: May 15, 2022

Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo gudbayo wareegga labaad.

Afar ka mid ah soddon iyo sagaalkii musharrax ee u tartamayay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo helay codadkii ugu badnaa ayaa u gudbay wareegga labaad ee doorashada.

Musharaxiinta gudbay ayaa kala ah:

Sciid Cabdullahi Deni: 65

Maxamed Cabdullahi farmaajo: 59

Xassan Sheih Maxamuud: 52

Xassan Cali Kheyre: 47

Labo kamid ah afartaas musharrax ayaa la filayaa in ay u gudbi doonaan wareegga saddexaad ee doorashada haddii aan kan la tanaasulin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *