Bandowgii Magaalada Muqdisho oo la qaaday

Published: May 16, 2022

Hay’adaha amniga ayaa qaaday bandowgii ku-meel-gaarka ahaa ee lagu soo rogay Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii xalay la doortay Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Bandowgan oo Taliska Booliska uu soo rogay Sabtidii ayaa ku ekaa 6-dii subaxnimo ee Isniintan, iyadoona ay si nabdoon ku soo geba-gabowday doorashada.

Goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isu socodka dadka & gaadiidka oo shaley xirnaa ayaa maanta la filayaa inay sidoodii caadiga ahaa ku soo laabtaan.

Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa si weyn u adkeeyay amniga Teendhada Afisyooni, oo ah goobta lagu qabtay doorashada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *