Itoobiya oo war ka soo saartay doorashada Madaxweynaha cusub ee JFS

Published: May 16, 2022

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Aby Ahmed Ali ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay ugu hambalyeey Madaxweynaha cusub ee dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha Aby Ahmed ayaa sheegay inuu rajeynayo in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay si dhow uga wada shaqeeyaan danaha labada dhinac iyo kuwa gobolka.

Dowldda Itoobiya ayaa saaxiib dhow la ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku guulaystay xilka Madaxwyenaha 10-aad ee dalka, kadib  doorasho wareegga saddexaad ay isla soo gaareen Madaxweynaha hadda xafiiska jooga ee Farmaajo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *