Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka hadlay guusha Xasan Sheekh

Published: May 16, 2022

Madaxweynayaasha shanta Dowlad Goboleed ee dalka ayaa u hambalyeeyey Madaxweyanaha cusub ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland kana mid ahaa Musharaxiintii ku tartamay doorashada Madaxweynaha JFS Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaan u hambalyeeynaya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo Xilka loo doortay” ayuu yiri Deni.

Madaxweynayaasha kale ee Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Qoor-Qoor, Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen Jubbaland Axmed Madoobe iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee xalay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

Madaxweynayaasha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo.m

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *